Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Cutubka koowaad: Qodobka 1aad
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Soomaaliya waa jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaam axsaab badan iyo caddaalad bulshadeed.
Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (SWT), awoodda oo dhan waxa leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo adeegsanaya hay'adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda. waxaa reeban in qof ama qeyb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada iyo midnimada jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.
Qodobka 2aad
Dowlada iyo Diinta
- Islaamku waa Diinta Dowladda.
- Diin aan ahayn Islaamka luguma faafin karo dalka.
- Lama soo Saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi'da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.
Qodobka 3aad
Mabaadi’da Asaasiga
Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Carabta iyo Afrikaanka.
Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka.
Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.
Qodobka 4aad
Sarreynta Dastuurka
Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.
Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan.
Qodobka 5aad
Afafka Rasmiga ah
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.
Qodobka 6aad
Calanka iyo Astaanka Qaranka
Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
Soomaaliya Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “Qolobaa Calankeed”.
Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey yeelan doonaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka Federaalka.
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya
Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960ee Soomaaliya.
Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:
- (a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed;
- (b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti;
- (c) Galbeed: Itoobiyia;
- (d) Koonfur Galbeed: Kenya;
- (e) Bari: Badweynta Hindiya.
Qodobka 8aad
Shacabka iyo Jinsiyadda
Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.
Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.
Diidmada, laalista iyo ka-qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 9aad
Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
- Magaala Maxdaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Muqadishu. Maqaamka magaalomadaxda
Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana
sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka
Cutubka Labaad: Madaxa Koowaad: Mabaadi’da Guud Ee Xuquuqda Aadanaha
Qodobka 10aad
Karaamada Aadanaha
- Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
- Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.
- Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha.
Qodobka 11aad
- Sinnaanta
- Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.
- Waa fal takoorid ah haddii natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn.
- Xukuumadda ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad
- Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada Xukuumadda sida Shuruuc, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.
Qodobka 12aad
Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga ah
Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.
Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xaddidi karaa sida ku xusan Qodobka 38.
Qodobka 13aad
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka IyoXaddidaadooda
Xaqa Nolosha
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol
Qodobka 14aad
Addoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab ah
- Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.
Qodobka 15aad
Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah: ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysankaro jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xad gudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin islamarkaasina aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax oggolaado.
Gudniinka gabdhaha waa caado naxariis-darro iyo xaqiraad u dhiganta jirdil. Gudniinka gabdhaha waa reeban yahay.
Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada.
Qodobka 16aad.
Xorriyadda ka-mid-noqoshada
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro.
Qodobka 17aad.
Xorriyadda Diinta iyo Caqiiddada
- Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.
- Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 18aad.
Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
- Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.
Qodobka 19aad.
Xurmada Hoyga
- Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.
- Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga.
Qodobka 20aad.
Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.
Qodobka 21aad.
Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka
- Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.
- Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor.
Qodobka 22aad.
Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda
- Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah:
- (a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa;
- (b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.
- Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.
- Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 23aad.
Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda
Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.
Qodobka 24aad.
Xiriirka Shaqada
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah.
- Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qaybgalo hawlaha ururkaas.
- Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.
- Urur shaqaale, ama loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada .
- Qof kasta oo shaqaale ah gaar ahaan dumarka waxa ay xaq gaar ah u leeyihiin in laga ilaaliyo faraxumeyn, faquuqid iyo takoorid goobaha shaqada. Sharci kasta shaqaale iyo hab dhaqan kasta waa inuu waafaqsanaadaa sinaanshaha jinsiga ee goobaha shaqada.
Qodobka 25aad.
Deegaanka
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo Deegaanka waxyeello u geysan kara.
Qodobka 26aad.
Hantida
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono.
- Dawladdu waxay si qasab ah hanti ula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey ama ay maxkamadi go’aamisey.
Qodobka 27aad.
Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay biyo nadiif ah uu cabo.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dareyeel caafimaad, cidna lagama hor istaagi karo daryeel caafimaad oo deg deg ah sabab kasta, oo ay kamid tahay awood la’aan dhaqaale.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.
- Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay Dawladdu ama cid kale ku soo faraggelin.
- Waa in la hubiyaa in dumarka, dadka da’da, naafada iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale.
Qodobka 28aad.
Daryeelka Qoyska
- Guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran Dawladda.
- Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dawladda.
- Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo deegaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
- Waalidka aan iskii isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin daryeel sharci ah.
- Guur ansaxayaa ma jiro haddaanay si xor ah iyo oggolaansho ninka iyo naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.
Qodobka 29aad.
Caruurta
- Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suubban iyo jinsiyad.
- Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.
- Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.
- Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo wargeliyaa xiritaankooda.
- Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta.
- Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.
- Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa.
- Ereyga “carruur/ubad” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.
Qodobka 30aad.
Waxabarashada
- Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah ee ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
- Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa iyo dugsi sare.
- Xukuumaddu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha.
- Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsan isla markaana la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxbarashada dalka.
- Xukuumaddu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed.
- Xukuumaddu waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangalkiisa.
- Xukuumaddu waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolojiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista.
- Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka carruurta dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyada ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.
Qodobka 31aad.
Dhaqanka iyo Afka
- Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.
- Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.
- Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.
- Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuqda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday
Qodobka 32aad.
Xaqa Helidda Macluumaadka
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.
- Baarlamaanka Federaalku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.
Qodobka 33aad.
Go’aanno Maamul oo Caddaalad ah
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aammada ka soo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah.
Qodobka 34aad.
Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.
- Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax-bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan-gaaris ah u leh:
- (a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama
- (b) Fal-dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogey, ciqaabna lagu mutaysanayo.
- Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay.
- Dawladdu waxay u kafaalo-qaadaysaa dadka aan awood dhaqaale lahayn inay difaac lacag la’aan ah helaan.
- Dawladdu waxay u damaanad qaadaysaa difaac lacag la’aan ah shaqsiyaadka, bulshooyinka marka ay si sharci ah ay ugu raadinayaan danta guud.
Qodobka 35aad.
Xuquuqda Eedaysanaha
- Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto.
- Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
- Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.
- Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig loogama dhigi karo qiraal lagu qasbay.
- Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
- Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay Xukuumaddu u qabato.
- Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
- Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.
- Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.
- Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.
- Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waana in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa.
- Mas’uuliyada ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.
- Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawliga ah.
Qodobka 36aad.
Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha
- Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.
- Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.
Qodobka 37aad.
Qaxootiga iyo Magangelyada
- Qof kasta oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.
- Baarlamaanka Federaalka ihi waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.
Qodobka 38aad.
Xaddidaadda Xuquuqda
- Xuquuqda lagu sheegay Cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.
- Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama waxaaba si gaar ah loogu asteeyay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay mid si cad u maangal ah ama kuwo la aqbali karo oo waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.
- Marka go’aan laga gaarayo in xaddididda xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in dhammaan arrimaha xaddeyntan khuseeya xisaabta lagu darsadaa.
- Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; haddii xaddididdaasi u habboon tahay in lagu gaaro ujeeddada ama haddii isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas.
- Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda deg degga waxaa lagu sheegay Cutubka 14aad, Qodobka 131aad.
Qodobka 39aad.
Sixidda Ku-xadgudubka Xuquuqda Aadanaha
- Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.
- Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.
- Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.
Qodobka 40aad.
Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga ah
- Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.
- Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.
- Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama xeer-beegti waa in ay tixgelisaa muhiimmada qodobbada Cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobbadaasi.
- Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.
Qodobka 41aad.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha
- Baarlamaanka Federaalka ihi waa inuu dhisaa Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.
- Hawlaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda Aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda Aadanaha; dabagelidda xuquuqda Aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha.
Qodobka 42aad - Madaxa Saddexaad:
Waajibaadka Muwaaddinka
- Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka .
- Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah in uu:
- (a) noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa;
- (b) ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay;
- (c) horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo;
- (d) dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale;
- (e) horumariyo mabda’a isla-xisaabtanka iyo talinta sharciga;
- (f) noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka;
- (g) ku dedaalo/ku dedaasho codbixinta xilliyada doorashada;
- (h) noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga;
- (i) difaaco dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhulka, Hantida iyo Deegaanka
Cutubka Saddexaad: Qodobka 43aad.
Dhulka
- Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
- Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar waarana leh.
- Xukuumaddu Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-ueegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso:
- (a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa;
- (b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
- (c) Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan.
- (d) In si deg deg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
- (e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
- (f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
- (g) Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasaddhuleed oo heerkooda ah.
- Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
- Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka.
Qodobka 44aad.
Kheyraadka Dabiiciga ah
Qaybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubinta ka noqon doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoo loo marayo qaab Dastuuri ah.
Qodobka 45aad.
Deegaanka
- Xukuumadda Federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista Deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo hannaanka deegaameed ee dabiiciga ah.
- Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta Deegaanka iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo Deegaankaba.
- Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee waxyeellada Deegaanku ay saameeyeen waa in ay:
- (a) Qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- (b) Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo kudaadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo kuxadgudub gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- (c) Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka ka ah ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; ha joogeen Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya gudaheeda ama meel kale;
- (d) Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-uqaadidda iyo ilaalinta Deegaanka, iyo ka hortagga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo Deegaanka dalka.
- Xukuumadda Federaalka iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay dejinaysaa siyaasad guud ee Deegaan ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Cutubka Afraad: Matilaada Shacabka
Madaxa Koowaad: Mabaadi’da Guud ee Matilaadda Shacabka
Qodobka 46aad.
Awoodda Shacabka
- Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo laxisaabtan.
- Nidaamka matilaadda shacabku waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qayb-qaato; habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.
- Nidaamka matilaaddu waa inuu ahaadaa mid si ku filan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada.
Madaxa Labaad: Doorashooyinka
Qodobka 47aad.
Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada
Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Cutubka Shanaad: Baahsanaanta Awoodda Xukuumadaha Ee Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya
Madaxa Koowaad: Qaab-Dhismeedka Iyo Madaadi’da Wada-Shaqaynta Heerarka Xukuumadaha
Qodobka 48aad.
Qaab-dhismeedka Dawladda
- Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dawladeed:
- (a) Heerka Xukuumaddu Federaalka
- (b) Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa ka kooban tahay Xukuumaddu ka tirsan Dawladaha Federaalka iyo Dawladaha Hoose.
- Gobol goonni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Xukuumaddu Federaalka Soomaaliya ayaana maamulaysa waxaana waajib ku ah gobolkaas inuu ku biiro gobol kale ama Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka muddo labo sano gudahood ah.
Qodobka 49aad.
Tirada iyo Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Degmooyinka
- Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
- Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya:
- (a) Xilalka iyo awoodaha Guddiga;
- (b) Hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka;
- (c) Tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;
- Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado.
- Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.
- Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.
Qodobka 50aad.
Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
- Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah:
- (a) Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;
- (b) Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
- (c) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Xukuumadda Federaalka ah;
- (d) Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;
- (e) Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;
- (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
- (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.
Qodobka 51aad.
Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
- Heer kasta oo Xukuumadeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan
- Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:
- (a) La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Xukuumadaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;
- (b) Heer kasta oo Xukuumadaha waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale;
- (c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.
- Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan:
- (a) Adkaynta Midnimada Qaranka;
- (b) Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
- (c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
- (d) Horuumarinta baraaraha shacabka;
- (e) Isdhaafsiga macluumaadka.
- (4) Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.
- Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo:
- (a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Xukuumadda;
- (b) Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Xukuumadda inta aanay u gudbin maxkamad.
Qodobka 52aad.
Iskaashiga Xukuumadaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka
- Xukuumadda Federaalka ah iyo Xukuumadah xubnaha ka ah waxaa waajib ku ah in madaxweyneyaasha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiintooda sare yeeshaan kulammo joogto ama kaltan ay kaga wada xaajoodaan arrimaha degaammadooda wada saameeya oo ay ka mid yihiin:
- (a) Ilaha biyaha;
- (b) Beeraha;
- (c) Xannaanada xoolaha;
- (d) Daaqa iyo seeraynta;
- (e) La dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka;
- (f) Caafimaadka;
- (g) Tacliinta;
- (h) Xiriirinta iyo wada-xaajoodka hoggamiyeyaal-dhaqameedka, ilaalinta iyo horumarinta xeerdhaqameedka;
- (i) Xiriirinta culimada diinta; iyo
- (j) Dhallinyarada.
- (2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayadu dhexdooda ama Xukuumadda Federaalka waxay isla geli karaan heshiisyo iskaashi oo ay ku wada hawlgalaan, aanse lahayn awood sharci, kana horimanayn Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
Qodobka 53aad.
Wada-xaajoodyada Caalamiga
- Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
- Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya dawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
- Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
Qodobka 54aad.
Kala Qaybinta Awoodaha
Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:
- (A) Arrimaha Dibadda;
- (B) Difaaca Qaranka;
- (C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
- (D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud ee Baarlamaanka Federaalka
Cutubka Lixaad: Baarlamaanka Federaalka Qodobka 55aad.
Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka
- Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:
- (a) Golaha Shacabka, iyo
- (b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Heerka Qaran.
Qodobka 56aad.
Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka
Golayaasha Baarlamaanka Federaalku:
- (a) Xilalka ay wadaagaan waa inay u gutaan si wadajir ah;
- (b) Xilalka uu gole waliba gaarka u leeyahay wuxuu u gutaa gaar ahaantiisa.
Qodobka 57aad.
Xilka Xeerdejinta ay Wadaagaan Labada Gole:
Xilka sharci-dejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah:
- (a) Markii loo baahdo Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka Dawladaha Federaalka ka mid ah waxay qabsanayaan fadhiyo wadajir ah, waxaana fadhiyadaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ama xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah hadba sida ay xeerka iyo nidaamka aqalladu dhigayaan.
- (b) Inta uu guddoominayo fadhiyada wadajirka ah, Guddoomiyaha Aqalka Sare Federaalka ah, ama Guddoomiyaha Golaha shacabka ama xubintii kale ee la isla garto in ay guddoonka qabataa, kuma laha wax cod ah arrimaha loo codeynayo, marka laga reebo xaaladda ay cododkii tiro ahaan sinnaadaan.
- (c) Iyadoo aan wax loo dhimeyn awoodda uu Baarlamaanku ku habeynayo hawlihiisa iyo shaqofulintiisa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa laga yaabaa, marka uu u arko in
ay ku haboon tahay, in uu ku codsado/ay ku codsato farriin loo diro labada guddoomiye ee
aqallada in la qabto fadhi wadajir ah oo ku saabsan:
- (i) Dejinta habraacyada haga hawlaha guddiyada isku dhafan ee labada Gole;
- (ii) Dhaqangalinta habraacyada meel-marinta go’aannada ay gaaraan guddiyada isku dhafan;
- (iii) Wax kabaddalidda iyo dib-u-eegidda Dastuurka si waafaqsan Cutubka 15aad.
Qodobka 58aad.
Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
- Qofka loo dooranayo xubinnimadda Baarlamaanka Federaalka waa in:
- (a) Uu yahay Muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhimirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan (25) sano, codbixiye ahaanna u diiwaangashan;
- (b) Aan xuquuqdiisa muwaaddinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin shantii (5) sano ee ugu dambaysey;
- (c) Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo’aragnimo u dhiganta.
- Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shuruudaha ku cad qodobkan.
Qodobka 59aad.
Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
- Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
- (A) Xubinta oo Geeriyoota
- (B) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
- (C) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
- (D) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
- (E) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
- (F) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.
Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.
Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.
Qodobka 60aad.
Muddada xil-haynta
1 . Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalku waa (4) afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo.
- Xildhibaan kasta oo Baarlamaanka Federaalka ka mid ah dib ayaa loo dooran karaa.
Qodobka 61aad.
Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka
Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto.
Iyada oo oofinaysa waajibaadka ku cad faqradda (1) ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyeyaasha laga soo soo doortay, iyadoon loo eegin siyaasad iyo taageerid xisbiyo kale.
Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo.
Qodobka 62aad.
Guddiyada Wadaagga ee Baarlamaanka Federaalka
Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ahi waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah oo hawlahooda u fududeeya.
Xeer-nidaamiye labada Gole ay wadajir u mariyaan ayaa lagu go’aaminayaa tirada guddiyada iyo habraacyada xil-fulintooda.
Madaxa Labaad: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Qodobka 63aad.
Awoodaha Xeer-dejinta Golaha Shacabka
Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah:
- (A) Ka-qaybgalka wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
- (B) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad;
- (C) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka;
- (D) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax ka beddelidda Dastuurka.
Qodobka 64aad.
Tirada xubnaha Golaha Shacabka
Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa Laba boqol shan iyo todobaatan (275).
Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.
Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-kaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.
Qodobka 65aad.
Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Golaha Shacabka, fadhigiisa koowaad oo uu guddoominayo qofka ugu da’da weyn, waa inuu iska dhex doorto Guddoomiye iyo laba (2) Ku-Xigeen.
Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisu, Goluhu waa in uu mid ka mid ah xubnihiisa u doortaa in uu noqdo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.
Guddoomiyuhu inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.
Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah.
Qodobka 66aad.
Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Golaha Shacabka ee Federaalka ah ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa soddon (30) maalmood gudahood kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka.
Golaha Shacabku ee Federaalka ihi waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.
Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Federaalka ah ayaa lagu xaddidayaa waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada.
Golaha Shacabku wuu yeelan karaa Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:
- (a) Madaxweynaha Federaalku isugu yeero, ka dib marka uu helo codsi ka yimaada Golaha Wasiirrada;
- (b) Guddoomiyaha Goluhu isugu yeero;
- (c) Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalku.
Qodobka 67aad.
Kala-dirista Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka 100aad (c) ee dastuurkan.
Qodobka 68aad.
Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah
Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa.
Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan, si uu uga soo baaraandego, talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhan yahay ee Golaha.
Sharci qabyo ah oo Goluhu diidey dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon (30) maalmood maalinta Goluhu diidey.
Fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta Dawladda. Xeer-hoosaadka Golaha waa inuu qeexo mararka ay lagama maarmaan noqonayso in Golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin.
Qodobka 69aad.
Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:
- (a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;
- (b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:
- (a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka;
- (b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;
- (c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;
- (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;
- (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisulWasaaraha;
- (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;
- (g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka.
Qodobka 70aad.
Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
- Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.
- Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.
- Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka.
- Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
- Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.
Madaxa Saddexaad: Awoodda Sharci-dejinta iyo Awoodaha Kale Ee Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 71aad.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
- (a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
- (d) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83.
- (c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;
- (d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;
- (e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
- (f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
- (g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
- (h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;
- (i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
- (i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
- (ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
- (iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
- (iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
- (v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Qodobka 72aad.
Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan konton iyo afar (54) Xildhibaan oo ka imaanaya toban iyo sideed (18) gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:
- (a) Tirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;
- (b) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah;
- (c) Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu.
Qodobka 73aad.
Guddoomiyaha iyo ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa loo doortaa xilkana looga qaadaa habraac la mid ah kan Guddoomiyaha/Ku Xigeenada Golaha Shacabka.
Qodobka 74aad.
Kalfadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.
- Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:
- (a) Ra’iisul-wasaaraha isugu yeero;
- (b) Guddoomiyaha Goluhu isugu yeero;
- (c) Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba (2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
Qodobka 75aad.
Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo kaqaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.
- Sharci qabyo ah oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon (30) maalmood maalinta Goluhu diiday.
- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisuba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta Xukuumadda.
Qodobka 76aad.
Go’aan-qaadashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, xubin walba oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ahi waxay yeelaneysaa hal cod.
- Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha aqalka.
Qodobka 77aad.
Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Wasiirradu waxay ka soo qayb geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, iyaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanku Federaalka ah wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.
Golaha Aqalka Sare ama Guddiyada Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare waa ay u yeeri karaan Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirrada si ay wax uga weydiiyaan arrimaha xilkooda la xiriira.
Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare ama Guddiyadiisu waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.
Qodobka 78aad.
Xasaanadda Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waxay leeyihiin xasaanad la mid ah tan xubnaha Golaha Shacabka sida ku xusan Dastuurkan.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lama kala diri karo.
Madaxa Afraad: Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka
Qodobka 79aad.
Sharci-dejin qabyo ah
- Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan:
- (a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan;
- (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda;
- (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda;
- (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey.
- Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax ka beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
- Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 80aad.
Curinta sharciyada
- Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara:
- (a) Golaha Xukuumadda; ama
- (b) Ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo.
- Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara:
- (a) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama
- (b) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Qodobka 81aad.
Go’aammo siyaasadeed
- Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci.
- Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah.
- Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad.
- Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah.
Qodobka 82aad.
Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
- Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota:
- (a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo;
- (b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey.
- Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda:
- (a) Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka;
- (b) In ay ku sameeyaan wax ka beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka;
- (c) In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen.
- Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
- Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood:
- (a) Inuu oggolaado wax ka beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah;
- (b) Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirada guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
- Marka Golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood:
- (a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado;
- (b) In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
Qodobka 83aad.
Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
- Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda:
- (a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax ka beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado;
- (b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday.
- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:
- (a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga;
- (b) Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley;
- (c) Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey.
- Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:
- (a) Inuu aqbalo wax ka beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah;
- (b) Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka Golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
- Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:
- (a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah;
- (b) Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada Golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka Federaalka ah.
Haddii uu Golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.
Haddii Golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood:
- (a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah;
- (b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.
- Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan.
Qodobka 84aad.
Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada
Kaydka sharciyada Dawladda waxaa mas’uul ka ah xoghayeyaasha Labada Aqal iyo Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka oo faafinta rasmiga ah ku samaynaya.
Qodobka 85aad.
Dhaqangelidda Sharciyada
Hindise sharci qabyo ah wuxuu dhaqan-gelayaa kaddib marka uu maro habraaca sharci-dejinta ee ku xusan qaybtan, Madaxweynaha Jamhuuriyadduna saxiixo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga.
Qodobka 86aad.
Durid Sharci
Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka.
Sharci maray shuruudaha ku xusan cutubkan waxaa duri kara:
- (a) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, asagoo isu dhan ama ergo hal Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ka mid ah;
- (b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka;
- (c) Golaha Wasiirrada Federaalka;
- (d) Ugu yaraan toban kun (10,000) oo cod bixiye oo diiwaangashan.
Duridda sharci si waafaqsan faqradaha 1 iyo 2 ee qodobkan waxaa la horgeyn karaa go’aanna ka gaari karta Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya.
Haddii Maxkamadda Dastuurigu ay jebiso duriddii sharciga, kharajka ku baxay waxaa bixinaaya dhinacii hindisaha duridda Maxkammadda Dastuuriga hor- keenay.
Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan-ka-gaarista waa in lagu qeexaa nidaamka garsoorka.
Cutubka Todobaad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya
Qodobka 87aad.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:
- (a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
- (b) Astaanta midnimada qaranka;
- (c) Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 88aad.
Shuruudaha u Doorashada Madaxweynennimada ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Muwaaddin kasta oo:
(a) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay
Qodobka 89aad.
Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed.
Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod
Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan:
(a) Codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa qarsoodi;
(b) Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaan murashaxa ku guleeysta aqlabiyad seddax meelood laba, tirada guud ee xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah;
(c) Haddii murashax ku guuleeysan waayo waxaa codayn labaad loo qaadayaa afarta murashax ee ugu cod badan waxaana ku guleeysanayaa Madaxweyninimada Jamhuuriyadda Federaalka murashaxa hela aqlabiyad ah seddax meelood laba codadka tirada guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah;
(d) Haddii murashaxna ku guleeysan waayo codbixinta wareegga laabad waxaa codbixin wareeg seddaxaad loo qaadayaa labada murashax ee ugu cod badan waxaana Madaxweynennimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guuleysanaaya murashaxa hela tirada ugu badan ee codadka guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.
Qodobka 90aad.
Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:
(a) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.
(b) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.
(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,.
(d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
(f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.
(g) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
(h) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
- (i) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.
(j) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.
(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka,marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.
(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.
(m) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
(n) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.
(o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.
(p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga Garsoorka.
(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.
Qodobka 91aad.
Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka.
Qodobka 92aad.
Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.
Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.
Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 93aad.
Iscasilaadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Madaxweynuhu wuxuu u gudbinayaa istiqaaladiisa Barlamaaanka Federaalka, isaga oo marsiinaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Qodobka 94aad.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Haddii Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama caafimaad-darro ama sabab kasta oo kale darteed uusan awoodin inuu guto xilkiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa xilkiisa sii qabanaya ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo.
Ku-xigeenka koowaad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si kumeel gaar ah u haynaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka inta uu Guddoomiyaha Baarlamaanku sii hayo xilka Madaxweyninimo.
Qodobka 95aad.
Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweyne, waxaa qabanaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub muddo aan ka badnayn soddon (30) maalmood gudahood.
Haddii Madaxweynaha uu ku dhaco xanuun aan ka-raysasho lahayn mudo ka badan sadddex bilood oo ay caddeeyeen xeeldheereyaal caafimaad waxaa sharciyan bannaanaanaya xilka xafiiska Madaxweynaha.
Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka beddelaya Madaxweyne mansabkiisi bannaanaaday sida ku xusan farqadda (2) ee qodobkan waxaa loo maraya habraaca doorashada Madaxweynaha ku xusan ee Qodobk a 89aad ee Dastuurka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu doorto si waafaqsan faqradda (3) ee Qodobkan wuxuu dhamaystiraya muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.
Qodobka 96aad.
Dhaarinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Inta uusan xilka bilaabin, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu Baarlamaanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaar, waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, dhaartaas oo ah sidan:
Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla”.
Cutubka Siddeedaad: Laanta Fulinta
Qodobka 97aad.
Golaha Wasiirrada
Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.
Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, WasiirroDawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.
Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba.
Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.
Qodobka 98aad.
Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada
- Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:
- (a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;
- (b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
- Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:
- (a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;
- (b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
- Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban:
- (a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka;
- (b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah;
- (c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed;
- (d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.
Qodobka 99aad.
Xilalka Golaha Wasiirrada
Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:
- (a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;
- (b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;
- (c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacabka;
- (d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;
- (e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;
- (f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;
- (g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;
- (h) Golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta.
- (i) Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.
Qodobka 100aad.
Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha
Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:
- (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;
- (b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
- (c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
- (d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.
Qodobka 101aad.
Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha
Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaraha.
Qodobka 102aad.
Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha
- Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.
- Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado.
- Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul-Wasaaruhu u xilsaaro.
Qodobka 103aad.
Xukuumadda Xil-Gaarsiinta
Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, RaisulWasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.
Qodobka 104aad.
Dhaarta
Raisul-Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare, dhaartaasina waa sidatan:
“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.”
Cutubka Sagaalaad: Awoodda Garsoorka
Qodobka 105aad.
Awoodda Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
- Awoodda Garsoorka waxaa u xil saaran Maxkamadaha.
- Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer ah kasoo saaraya Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 106aad.
Madaxbannaanida Garsoorka
Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.
Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.
Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.
Qodobka 107aad.
Habka Dacwad Qaadista
Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi.
Go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda.
Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.
Qodobka 108aad.
Qaabka Maxkamadaha Dalka
- Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa sadex Heer oo kala ah:
- (a) Maxkamada Dastuurka;
- (b) Maxkamadaha Heer Dawlad Federaal; iyo
- (c) Maxkamadaha Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawlada Federaalka. Maxkamada ugu saraysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dawladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.
Qodobka 109aad.
Habka Hawlqabadka Maxkamadaha Qaranka
Maxkamad haddii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso Dawladda Fedraalka oo kaliya, maxkamadaasi waa inay u celisaa dacwadaas maxkamad heer Dawladda Federaal ah.
Maxkamad haddii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso arin Dastuuri ah, maxkamadaasi waxay u celin kartaa dacwadaasi maxkamada Dastuuriga si ay uga gaarto go’aan:
(a) Maxkamad walba oo awood Garsoor lihi wey go’aamin kartaa in arrini la hor keenay ay tahay mid dastuuri ah iyo in kale, mar haddii aanay ka hor imanayn awoodaha gaarka aah ee Maxkamadda Dastuurka sida kuxusan Qodobka 109C ee Dastuurka.
(b) Maxkamadda Dastuurka ayaa ah garsooraha kama danbeysta ah ee arrimaha dastuurka;
(c) Maxkamadda Dastuurka keliya ayaa leh awoodda garsoor ee qeexidda arrimaha dastuurka ee aan ka iman kiisaska maxkamadeed;
(d) Shakhsi ama koox ama dawladdiba si toos ah ayeey ugu gudbin karaan maxkamadd Dastuurka codsi tixraac ah oo la xiriira arrimaha khuseeya danaha dadaweynaha.
- Marka laga reebo arrinta lagu xusay faqradaha (1) iyo (2) qodobkan, Baarlamaanku Federaalka wuxuu soo saarayaa sharci faahfaahin buuxda ka bixinaya sida ay u wada falgelayaan maxkamadaha heer Federaal iyo maxkamadaha heerka dawlad goboleedyada Xubanaha ka ah Federaalka.
Qodobka 109A.
Golaha Adeegga Garsoorka
Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka.
Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal (9) xubnood, oo kala ah sida soo socota:
- (a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;
- (b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare;
- (c) Garyaqaanka Guud;
- (d) Laba (2) Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar
- (4) sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen;
- (e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo
- (f) Saddex (3) qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar (4) sannadood ah.
Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka.
Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola cusbooneysiin karo mar keliya.
Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta Golaha Adeegga Garsoorka.
Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu:
- (a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka;
- (b) Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa;
- (c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.
Qodobka 109B.
Asaaska Maxkamadda Dastuurka
Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan (5) garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare.
Golaha Adeegga Garsoorku , waa in uu u magacaabaa Garsoore Maxkamadda Dastuurka qof daacadnimo sare leh oo keliya, isla markaana si rasmi ah u bartay sharciga iyo Shareecada, khaas ahaanna ku xeel dheer sharciga dastuurka.
Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu u soo jeediyaa Golaha Shacabka qofka noqonaya Garsoore Maxkamadda Dastuurka.
Haddii Golaha Shacbigu ansixiyo magacii la soo jeediyay iyadoo la raacayo faqradda (3) ee Qodobkan, Madaxweynuhu waa in uu u magacaabaa qofkaa Garsoore Maxkamadda Dastuurka.
Dhexdooda, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay ka dooranayaan Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare.
Qodobka 109C.
Awoodaha Maxkamadda Dastuurka
- Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah:
(a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah Golaha Wasiirada, Guddi ka tirsan aqalada Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada midkood,in ay Maxkamaddu dib u eegto hindisa sharci, ayna go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay Dastuurka;
(b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad Qodobka 86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan yahay dastuurka;
(c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad faqradda Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay maxkamad dood kiis macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda Dastuurka si ay go’aan uga gaadho;
(d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda;
(e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha Dawladda federaalka ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo
(f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad oo la xidhiidha kiisaska denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara.
- Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aansan doonta taariikhda ay ka bilaabmi karto hirgelinta marka la gaadho laguna dhawaaqayo in uu sharci yahay wax kama jiraan.
(a) Haddii sharci loo arko mid aan dastuuri ahayn, marka laga reebo sida ku cad a faqradda (b) ee qaybtan, iyadoo xisaabtana lagu darsanayo saameynta ay ku leedahay taariikhda uu sharcigaasu noqonayo wax kama jiraan dadka daneynaya arrinta iyo guud ahaan danaha bulshoba, waxay maxkamaddu go’aansan kartaa in sharcigaasi uu yahay waxba kama jiraan ilaa markii la sameeyay,ama taariikhda ka bilaabanta markii xukunku dhacay ama, si ay haboon tahay marka wax kama jiraanimada sharcigu bilaabmayo, taariikh mustaqbalka ah loo qabto.
(b) Haddii arrintu ku lug leedahay sharci dembiyeed,haddii in sharcigaa wax kama jiraankiis laga bilaabo markii la sameeyay, haddii arrintaasi u faa’iideyneyso qof lagu xukumay sharcigaa aan dastuuriga ahayni, w in ay Maxkamadda Dastuurka waqtigaa isaga ah ka soo bilowdaa wax kama jiraanimadiisa.
Cutubka Tobnaad: Guddiyada Madaxa Bannaan
Qodobka 110aad.
Mabaadi’da Guud
Guddi madax banaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.
Guddi madax banaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda Aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo daah furnaan.
Guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo, kamana amar-qaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.
Maaliyadda Guddi kasta oo madax banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.
Qodobka 111aad.
Samaynta Guddiyada Madaxa Bannaan
Dalku wuxuu yeelan doonaa Guddiyo Madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waajibaadkooda, xilkooda, iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, xubnaha ka qaybgalayaa waa in lagala tashadaa inay ka qaybqaataan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 111A.
Golaha Adeegga Garsoorka
Waa inuu jiraa Golaha Adeegga Garsoorka, Golahaasoo kala talinaya Caddaaladda iyo Federaal Dawladda arrimaha ku sabaasan maamulka caddaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and talaabo ka qaadista Garsoorayaasha.
Golaha Adeegga Garsoorka waa in uu madax banaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa uu hal dhinac u xaglin uu xaqiijiyaa madax banaanidda cadaladda.
Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lahaanayaa awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka.
Qodobka 111B.
Guddiga Xuquuqda Aadamiga
- Waa inuu jiraa Guddiga Xuquuqda Aadamiga oo loo xilsaaro:
- (a) Horumarinta xushmeynta xuquuqdda aadmigga iyo dhaqanka xuquuqda aadamigga;
- (b) Horumarinta ilaalinta, xoojinta iyo adkeynta xuquuqda aadmiga; iyo
- (c) Baaritaanka iyo qiimeynta hab dhaqanka xuquuqda aadamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
- Guddiga Xuquuqdda Aadmiga: Iyadoo la tixraacayo Dastuurka, Guddiga Xuquuqda Aadmiga, wuxuu yeelahanayaa awood uu ku fuliyo hawlahan:
- (a) Inay baaritaan ku sameeyaan, warbixina ka soo saaraan sida loogu dhaqmayo xuquuqdda aadmiga;
- (b) Inay si ku habboon xal ugu raadiyaan meelaha lagu xad gudbay xuquuqda aadmiga
- (c) Inay cilmi baaris ku sameeyaan; iyo
- (d) Inay cilmi wacyi gelin u sameeyaan dadweynaha iyo saraakiisha xukuumadda heerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqdda aadmiga.
Awoodaha iyo hawaha ah ee Guddiga waa inuu ku dhignaadaa Sharciyadda Xuquuqda Aadmiga.
Golaha Xuquuqda Aadmiga waa inuu madax banaanaadaa, waa inayna hal dhinac u xaglin, waa in loo dhamaadaa waana inaanu ka badnaan sagaal (9) xubnood.
Qodobka 111C.
Guddiga La dagaalanka Musqmaasuqa
Waa inuu jiraa Guddi la Dagaalanta Musuqmaasuqaq waana in awoodoodu noqotaa inay baaraan eedaha ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo oogo qaybaha Dawladda.
Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay sameyn karaan baaris marka ay rabaan, kuma eka keli ah hawshoodu marka cabasho loo soo gudbiyo.
Mas’uuliyadaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah:
- (a) Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagaalamayo musuqmaasuqa ee ugu fiican uguna habboon;
- (b) Horumarinta, fududeynta iyo taageeradda Iskaashiga Caalamiga iyo taageeradda farsamadda
- (c) Horumarinta daacadnimadda, xisaabtanak, iyo habsami u maamulka arrimaha dadweynaha iyo hantida dadweynaha.
- Awoodaha Guddiga La Dagaalanka Musqmaasuqa waxa ka mid ah:
- (a) Ka hortaga, baarista, faafinta dacwooyinka musuqmaasuqa;
- (b) Xayiraadda, qabashada, la wareegga/qaadashada iyo celinta faa’iidada fal danbiyeedka;
- (c) Taageerista dejinta sharciyadda iyo tallaabooyinka ku habboon ee lagu joojinayo, xakameynayo laguna qaadayo falal dembiyeedka la xiriira musuqmaasuqa.
- Halka ay gaarsiisan tahay awoodda Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah arrimaha la xiriira: (a) Musuqmaasuqa qaranka ama dibeddea ee saraakiisha Dawladda;
- (b) Boobka, isdhicitaanka iyo leexsashada saraakiisha Dawladda ee hantida Dawladda iyo hantida gaarka ah;
- (c) Ku-shaqaysashada nufuudda ama xiriirada gaarka ah;
- (d) Si xun ugu dhaqanka hawlaha shaqada iyo taajiridda aan sharciga ku dhisnayn.
- Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waa inuu madax banaanaadaa, dhedhexaad ahaadaa , eexla’aan ahadaa, waa in lagu wada jiraa, loona dhan yahay, waana in aanu ka badan sagaal (9) xubnood.
Qodobka 111D.
Guddiga Adeega Baarlamaanka
Mudadda bilowga ah ee Golaha shacabka, waa in labada aqal ee Federaalku sameeyaan Guddiga Adeega Baarlamaanka taasoo shaqeyneysa mudadda Aqalka Shacbka jiro.
Guddiga Adeega Baarlamaanku waa inuu ka koobnaadaa:
- (a) Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ah guddoominaya fadhiyada
- (b) Guddoomiyaha Aqalka Sare oo noqonaya guddoomiye ku-xigeen;
- (c) Afar xubnood oo lagu soo magacaabay Golaha shacabka kuwaasoo ay ugu yaraan ka mid yihiin laba haween ah;
- (d) Laba xubinood laga soo magacaabay Golaha shacabka kaasoo ay midkood tahay haweenay;
- (e) Hal xubin oo ay soo magacaabay Golaha Shacabka oo ah shakhsi khabiir ku ah arrimaha dadweynaha hase yeeshee aan ka mid ahayn xubnaha Baarlamanka Federaalka.
- Xubin ka mid ah Guddiga Hawlaha Baarlamaanka waa inuu baneeyaa xafiiska:
- (a) Marka ay dhamaato muddada Golaha Shacabka;
- (b) Haddii xubintaasi ay ka mid ahayd Baarlamanka Federaalka ayna dhamaato xubinnimadiisii Baarlamaanku Federaalka; ama
- (c) Haddii ay xubin la magacaabay; magacaabistii kala noqodaan Golaha Shacabka.
- Guddiga Hawlaha Baarlamanku waa inuu mas’uul ka noqdaa:
- (a) Adeegyada iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka;
- (b) Abuuris xafiisyadda taageeraya adeegga Baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada;
- (c) Diyaarinta qiyaasta kharashyadda Baarlamanka ee sannadkiiba hal mar iyo u gudbintooda Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan iyo inay xakameynta miisaaniyadda hawlaha maaliyadda;
- (d) Inay sameeyaan hawlaha kale ee loo baahdo, kuwaasoo lagu daryeelayo xubinaha shaqaalaha ee Baarlamaanka Federaalaka kuna cad sharciga Federaalka ah.
- Marka laga helo ansixin Aqalka ay khuseyso, Golaha Adeegga Baarlamaanku waa inay u magacaabaan xoghayn aqalka kasta oo Aqaladda baarlamanka Federaalka. Xafiisyadda xoghayayasha iyo xafiisyadda xubinaha shaqaalaha ee xoghayayasha waa inuu noqdaa xafiisyo adeegga baarlamaanka.
Qodobka 111E.
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka
Waa inay jiraan Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka si ay u taageeraan isbeddeladda Degaanadda ee Soomaaliya una noqdaan xukuumaddo federaal ah oo xoogan.
Guddiyada Xuduudaha iyo Federaalka waxa kaashan karaan khubaro ka mid ah qaranka ama ka yimid, iyagoo sameynaya daraasad, iyo khariidado isla markaana ku dhaqaaqaya daraasado taageerayo abuurista xukuumado wax-ku-ool ah.
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka waa inay tixgeliyaan xogta dadka iyo dhulka , eegayana wadci siyaasadeed iyo kan dhaqan duruuftiisa iyo qaabka bulshada kuwaasoo ay taallooyin ahaan ugu soo jeediyaan baarlamanka fedeeraalka sidii loo jeexi lahhaa xuduudaha xukuumaddaha Federaalka;
Guddigu waa inay madax banana tahay, dhexdhexaad tahahy, meteshaa qaybaha deeggaandda Soomaaliya oo dhan, loona dhan yahay
Go’aamada kama dambeynta ah ee xuduudaha, xuduudah Xukuumaddaha Federaalka waa inay sameyaa baarlamanka Federaalka , waana inuu ku saleyaa tallooyinka Guddiga Xuduuddaha Federaalka.
Qodobka 111F.
Guddiga Isku-Xirka Xukuumadaha
Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirta xukuumaddaha
Guddiga isku xirka xukuumaddaha “ waa inay lahaadaan awoodaha Federaalka Baarlamaanka uu u arko daruuri sida:
- (a) Fududeynta is-kaashi iyo isla-xiriirka Dawladda Federaalka iyo xubinaha xukuummadaha Federaalka dhexdooda; iyo
- (b) Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka ama.
- Guddiga Isku Xirka Xukuumaddaha waa inay ka koobnaataa xubnno uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu iyo marka ugu yaraato tiro la mid ah oo ay soo magcaabenn mid walba oo ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
Qodobka 111G.
Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka
Waa in la dhisaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka; taasoo loo tixraacayo Dastuurka. Guddiga waa inay guddigu ka madax banaanaadaan waaxda fulinta waana inay maamushaan maaliyadooda u gaarka ah. Guddiga waa in ahaataa mid loo dhan yahay, waana inay noqotaa dhexdhexaad waana inayna ka badnaan tiro sagaal xubnood ah.
Masuuliyadaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka waxa ka mid ah:
- (a) Inay maamulaan doorashooyinka Madaxweynaha
- (b) Inay maamulaan dooorashooyinka Federaalka
- (c) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaan cod-bixiyayaasha dib-u-eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha
- (d) Inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashooyinka
- (e) in ay xadidaan degaanada cod-bixineed
- (f) Sharciyeynta habka xisbiyadda siyaasadda
- (g) Xalinta khilaafyadda doorashooyinka
- (h) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka
- (i) Sharciyeynta lacagaha ay isticmaalaan murashaxiinta ama xisbi marka ay doorasho jirto
- (j) Sameynta hab dhaqanka murashaxiinta iyo xisbiyadda doorashooyinka
- (k) Ilaalinta in lagu dhaqmo sharciyadda magacaabista murashaxiinta ee xisbiyadda siyaasadeed
- (l) Waci gelinta cod-bixiyayaasha
- Baarlamaanka Federaaalka waa inuu sameeyaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka iyo sharciyadda loo baahan yahay inay taageeraan iyagoo siinaya ahmiyadda koowaad.
Qodobka 111H.
Guddiga Ammaanka Qaranka
Guddi Amaanka ee Qaranka waa in lagu sameeyaa sharci Federaal ah. Guddiga Amaanku ee Qarabja waa inay ka koobnaataa khubarro ka tirsan amaanka ee qaybaha oo dhan.
Mas’uuliyadaha Guddiga Amaanka ee Qaranku waa inuu noqdaa:
(a) Inay darsaan oo ay sameeyaan hab isku xiran oo ah hawlwadeen shaqo kaasoo aabaaraya baahidda waqtiga la joogo iyo mustaqbalkaba ay Soomaaliya u qabto dib-u-eegista iyo ku dhaqanka baarlamanka Federaalka;
(b) Inay so bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in nabad geliyadda dadka la siiyo ahmiyadda koowaad iyo in la isku daro habaka shaqo ee Amaanka Qaranka;
(c) In la sameeyo hab-shaqo oo dadweynaha amaanka ku ilaaliyaan iyo ilaalinta amaanka ee la xiriira kharajka;
(d) In la raadiyo bogsiintga gaboodfalka ay geystaan shaqaalaha amaanku.
- Ahmiyadda ugu horeysa waa inay ka koobnaataa:
(a) Burcad Badeedda;
(b) Ka saaridda ciidan ee kooxaha hubeysan iyo bulsho ku- darkooda taasoo ay ka mid tahay in la siiyo tababaro xirfadeed iyo diyaarin waxyaalaha lagu taageerayo iyo la-tallinta dhinaca cilmiga maanka/nafisiga;
(c) Hawlaha Boliiska.
(d) In la hubsado in maamul shacbiya lagu xakameeyo ciidammadda hubaysan.
- Guddiga waa inuu sameeyaa Guddi-hoosaad Ilaalinta ee Bulshada. Guddi hoosaadku waa in uu ka koobnaadaa khubarrada ammaanka, xubnaha Baarlamaanka Federaalka, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda ururrada bulshada kuwaasoo qayb kasta Bulshada Soomaaliyeed. Mas’uuliyadda Guddihoosaadka waa:
(a) Inay soo bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in ahmiyadda koowaad la siiyo amaanka dadka iyo in lagu daro nidaamka shaqada ee ammaanka qaranka;
(b) Sameyn habo-shaqo kaasoo ay dadweynaha siiyo ilaalin guud;
(c) Ilaalinta amaanka la xiriira kharajka;
(d) In la helo daaweynta gaboodfalka ay sameeyaa shaqaalaha amaanku.
Qodobka 111I.
Guddigga Runta iyo Dib-u-heshiisiinta
Waa in la sameeyaa Guddiga Runta iyo dib-u-heshiisiinta si loo helo qaran bogsoon, heshiisya oo mideysan si loo sugo in arrimaha la xiiriira in aan denbi laysu qabsan, aargoosiga iyo kuwa kale ee colaaddaabuura in xal loo helo iyadoo la raacayo hab Dawladeed oo sharciyeysan.
Guddigu waa inuu madax banaaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa waa inay ku jiraan wakiiladda ay ka mid yihiin odayo dhaqameedku, iyo hogaamiyayaasha, xubnaha Baarlamaanka, xubnaha ururadda bulshada ee la ixtiraamo, garsoorayaasha iyo shaqaalaha amaanka.
Mas’uuliyadaha Guddiga waxa ka mid ah:
(a) Inay ka markhaati kacaan, qoraal iyo in dacwooyinka qaarkood ay cafis u fidiyaan dembiilayaashas, kuwaasoo la xiriira meel ka dhaca xuquuqda aadmiga iyo toosin iyo hagaajinta dembigalayaasha.
(b) Hirgelinta is-cafiska, dib u heshiisiinta iyo mideynta qaranka.
Qodobka 111J.
Gardoonka/Ilaaliyaha Dadweynaha
Waxaa la dhisayaa xafiiska Gardoonka Dadweynaha.
Gardoonka Dadweynuhu wuxuu u dhaqmaa sida uu qabo Dastuurkan iyo sharciga oo keliya.
(a) Waa in xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada, Sharci-dejinta ama qof kale aanu Adeegaha Gardoonka Dadweynaha ku faragelin hawsha xafiiskaa;
(b) Waax kasta oo ka tirsan Dawladdu waa in ay Gardoonka Dadweynaha ku siisaa gacanqabashada uu ugu baahan yahay ilaalinta madax-bannaanida, sharafta iyo wax-ku-oolnimada Gardoonka Dadweynaha.
- Isaga oo ku dhaqmaya talada Golaha Adeegga Garsoorka, Madaxweynuhu Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in uu magacaabaa Adeegaha Gardoonka Dadweynaha.
(a) Guddiga Adeegga Dadweynaha waxaa uu ku talo-bixin karaa in Adeegaha Gardoonka Dadweynaha loo magacaabo oo keliya qof u qalma in loo magacaabo garsoore Maxkamadda Dastuur.
(b) Adeegaha Gardoonka Dadweynaha waxaa uu shaqeynayaa muddo xilli toddoba (7) sano ah.
Faqradda (5) dhexdeeda, erayga “Sarkaal” waxaa macnihiisu u dhacayaan sarkaal la soo doortey ama la magacaabey ama qof u shaqeeya hay’ad Federaal, Dawlad-goboleed iyo Dawlad Hoose, sarkaal ka tirsan ganacsi ay leedahay ama maamusho ama gacanta ugu jira Dawladda, oo ay Dawladdu wax weyn ku leedahay, ama sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca ama booliska, laakiin sooma hoos gelayo Garsoore Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare ama Maxkamad Sare, ama sarkiilkii kaleba intiiba ay cabashadu la xiriirto hawl garsoor.
Adeegaha Gardoorka Dadweynaha waa in uu:
(a) Baaraa cabashooyinka ku saabsan eedeyn ama xadgudub muuqda oo loo geysto xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ku-xadgudub awoodeed, hab-dhaqan caddaalad-darro, naxariisdarro, u-turid la’aan ama edeb-darro/ixtiraam la’aan ah oo qof deggan Soomaaliya uu kula kaco sarkaal Dawladda uga shaqeeya heerarkeeda kala duwan, hab-dhaqan uu ka muuqdo caddaalad darro, ama musuq-maasuq ama hab-dhaqanka sarkaalkaasi sameeyo oo bulsho dimuqraaddi ah ay si habboon ugu aragto in uu yahay mid sharci-darro, dulmi ama xaq-darro ah;
(b) Baaro cabashooyinka la xiriira hawlaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, hay’adaha maamulka ee Dawladda, iyo ciidamada difaaca iyo booliska intiiba ay cabashadaasi la xiriirto in lagu guuldarreystey in si miisaaman loo qaabeeyo adeegyadaas ama in dhammaan dadku ay si simman shaqaale loogu qoro adeegyadaas ama si xaq ah loo maamulo adeegyadaas;
(c) Uu qaado tallaabo habboon oo uu ku baaqo daaweynta, sixidda ama beddelidda arrimaha lagu sheegey Faqradihii soo hormarey iyada oo loo marayo habab caddaalad ah sax oo ku habboon, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobneyn:
- (i) La tashiga iyo wax isu-oggolaasho dhex mara dhinacyada ay khuseyso;
- (ii) Ka warbixinta cabashada iyo waxyaabaha uu adeegaha gardoonka dadweynaha ka ogaadey arrinta, una gudbiyo madaxda qofka dembiga geystey;
- (iii) In uu arrinta u gudbiyo dacwad-oogaha guud;
- (iv) In uu arrinta hor-keeno maxkamad xarraantinimeysa hab-dhaqan aan habbooneyn ee sarkaal;
- (v) Ama in arrin looga shakisan yahay musuqmaasuq uu u soo gudbiyo dacwadoogaha guud.
- Xeer Ilaahiya Guud waa in uu sanad kasta warbixin u soo gudbiyaa Golaha Shacabka, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo guud ahaan dadweynaha.
Qodobka 112aad.
Magacaabidda Guddiyada Madaxbannan Heer Federaal
Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.
Qodobka 113aad.
Shuruucda Guddiyada Madaxa Bannaan
Shuruucda la xiriirta Guddiyada Madaxbanaan waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo ay soo saaraan Golaha Shacabka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 114aad.
Xafiisyadda Madaxa Bannaan
Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hanti-dhowrka Guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah.
Cutubka Kow iyo Tobnaad: Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda
Qodobka 115aad.
Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Shaqada rayidka ee heerarka kala duwan ee xukuumadda waa amaano ummadda loogu adeego waana in ay ku saleeysnaataa qiyamka Dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta darajooyinka maamul, dhegonugayl, sirxajin, asluub-wanaag shaqo, howlkarnimo, waxaku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista Mabaadi’da caadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon.
Qodobka 116aad.
Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Shaqaalaha rayidka ah lagulama kici karo:
- (a) Bahdilid waajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgood.
- (b) Laguma sameyn karo xilkaqaadid, lagama wareejin karo xafiiska, darajadooda hoos looma dhihi karo, inay jirto sabab maangal ah oo sharci ku dhisan.
Qodobka 117aad.
Magacaabista Saraakiisha Darajooyinka Sare
Hawlwadeennada iyo Saraakiisaha darajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ka dib markuu arko soo jeedinta Golaha Wasiirrada.
Qodobka 118aad.
Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda
Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladdu waxay xilkooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga iyo danta guud oo keliya.
Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Dawladdu kama mid noqon karaan hoggaamiyayaalka xisbiyada siyaasadda.
Waa in Sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha Dawladda ee ka reebban in ay xubno ka noqdaan axsaab siyaasadeed iyo hawlaha aan la socon karin xilalka ay hayaan.
Xaaladda qaanuun ee shaqaalaha Dawladda waxaa nidaaminaya sharciga.
Shaqada joogtada ah ee Dawladda, waxaa looga mid noqon karaa tartan furan oo keliya, marka laga reebo xaaladaha sharcigu tilmaamay.
Qodobka 119aad.
Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay shaqaalasanayaan hawl-wadeennadooda.
Waxaa jiraya Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubinta ka ah DawladdaFederaalka, waxaana lasoo saarayaa xeer nidaaminaya oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee shaqaalaha oo ay soo saarayaan Golaha Shacabka ee Federaalka iyo golaha sharci dejinta ee Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay iska kaashanayaan ka wada faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.
Shaqaalaha rayidka ee Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka waa inay ka muuqataa dheelitirnaan dadka wada deggan.
Cutubka Laba iyo Tobnaad: Dawladaha Xubinta ka ah Dawlada Federaalka
Qodobka 120aad.
Hay’adaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka
Dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee maamulada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada.
Qodobka 121aad.
Mabaadi’da Dastuurrada
- Mabda’iyan waa in la iswaafajiyaa Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurada Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
Cutubka Saddex iyo Tobnaad: Maaliyadda guud.
Qodobka 122aad.
Mabaadi’da Maaliyadda Guud
Mabaadi’da Guud ee Maaliyadda waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ah Dawladda Federaalka si waafaqsan qaab Dastuuri ah.
Qodobka 123aad.
Bangiga Dhexe ee Federaalka
Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xernidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka.
Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye:
(a) Soo saaridda lacagta
(b) Hubinta negaanshaha ascaarta
(c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo
(d) Nidaam bangi oo maangal ah.
Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta.
Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta.
Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka.
Qodobka 124aad.
Sharci-dejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda
Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya heykal maamul-maaliyadeed oo astaamihiisu ay ka mid yihiin:
(a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkada iyo Jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada iyo degmooyinka kaasoo ay tahay inuu ahaado mid daahfuran, la xissabtan leh, wax-ku-oolna ah.
(b) In Dawladda Federaalku uu damaanad-qaad siiso deymaha ay weydiistaan Dawlada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada;
(c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;
(d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee Dawladda dhaqaale ka hela;
(e) Tallabooyinka guud ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkan.
Qodobka 125aad.
Kaydka Qaranka
Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u adeegta kayd qaran ahaan. Isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan adduun ahaan la tijaabiyay lana aqoonsanyahay oo leh halbeegyo la xariira kaydinta iyo khrajbixinta maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel walba oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka mid ah.
Hay’adda Kaydka Qaranku waa inuu hubiso u hoggaansanaanta mabda’a ku xusan farqadda (1), waa inay ka joojiso xawilladaha lacageed qayb kasta oo Dawladda ka mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kaydka Qaranka.
Cutubka Affar iyo Tobnaad: Nabadda iyo Amniga
Qodobka 126aad.
Suggidda Amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
- Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan:
- (a) Ciidanka xoogga dalka;
- (b) Nabadsugidda;
- (c) Ciidanka booliska;
- (d) Ciidamada Asluubta.
Adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey.
Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed.
Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka.
Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.
Qodobka 127aad.
Mabaadi’ida Ciidamada Amniga
- Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:
- (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
- (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
- (c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;
- (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo
- (f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.
- Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.
Qodobka 128aad.
Ku-tagrifalidda Awoodeed
Gaboodfallada xuquuqda Aadanaha ee la tuhunsan yahay in ay xubno ka tirsan Ciidammada Amniga inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qaadaa Maxkamadaha rayidka ah.
Qodobka 129aad.
Xafiiska Gardoonka
Dastuurkan wuxuu dhisayaa xafiiska Gardoonka (Ombudsman) waa Hay’adda ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidamada and maamulka Dawladda.
Hay’adda Gardoonku waxay baaritaan iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la xariira xadgudubyo ay ciidammadu u geysteen qof and koox ka mid ah bulshada, haddii ay qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon.
Sharci gaar ah ayaa xaddidi doona awoodaha iyo waajibaadka Hey’adda Gardoonka.
Qodobka 130aad.
Sharciga Hay’adaha Amaanka
Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 131aad.
Xaalad Deg degga ah
Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an.
Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda.
Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta.
Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso.
Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya.
Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah.
Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.
Cutubka 15: Qodobbada Kama Dambeysta ah iyo kuwa kumeel gaarka ah
Madaxa Koowaad: Waxka Beddelka Dastuurka
Qodobka 132aad.
Qodobada ku dabaqma wax ka beddelka Dastuurka ee lasoo jeediyay dhammaadka xilliga koowaad ee Baarlamanka Federaalka
Marka laga soo tago faqradda (2), ka hor ama ka damba inta aanu dhammaan muddo xileedka koowaad ee Baarlamanka Federaalka, Midkoodna Labada aqal ee Baarlamaanka ma soo jeedin karo wax ka beddelka Mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan cutubka 1aad ee dastuurkan,
Iyadoo shardi ahaan la eegayo Qodobka 1aad, isla markaana laga reebayo wixii isbeddel ah ee lagu sameynayo xuduudaha maamul goboleedyada marka la eego qodobka 49aad, Aqal ka mid ah Baarlamaanka Federaalku waxaa uu soo jeedin karaa wax ka beddelka Dastuurka habka ee ku sugan qodob hoosaadyada iyadoo la raacayo nidaamka ay dhigayaan faracyada Qodobbada (3) ilaa (9).
Dawladda Federaalka ama tan gobolada, xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ama codsi ay saxiixeen ugu yaraan 40,000 oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka beddelka .
Cidda u doodeysa wax ka beddelka Dastuurka hab waafaqsan faqradka (2) waxay soo jeedin karaan nooca wax ka beddelka ay rabaan iyaga oo hor keenaya mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Haddii badiba xubnaha aqalka wax ka beddelka la soo jeediyay ee Dastuurka la horkeenaya ay aqbalaan wax ka beddelkaas marka koowaad ama marka xigta ee ay akhriyaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya waxa uu mid kasta magacaabayaa 10 xubnood oo aqalkiisa ka tirsan oo ka mid noqdaguddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal.
Guddiga wadajirka ah ee lagu magacaabay hab waafaqsan faqradda 5 waxay --
- (a) Dib-u-eegis ku samayn doonaan soo jeedinta ku saabsan wax ka beddelka;
- (b) Dadka ku wargalin doonaan soo jeedinta;
- (c) Hubin doonaan in ay jirto fursad dad weyne oo ku filan in lagaga doodo;
- (d) La tashan doonaan xubnaha dadwaynaha;
- (e) Hubin doonaan in xubnaha dadwaynuhu helaan fursad ku filan oo ay ugu soo bandhigi karaan faalooyinkooda iyo soo jeedinahooda guddiga wadajirka ah; iyo
- (f) Kala shaqeyn doonaan sharci-dejinta maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo in lagu daro wixii maamul goboleedyadu soo gudbiyeen oo la is-waafajiyay soo jeedinta wax ka beddelka , goorta arrini taabanayso danaha gobolka.
Laba bilood gudahood markii la magacaabay, guddiga wadajirka ahi waxay warbixin u gudbin doonaan midkasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Baarlamaanka Federaalku waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la soo jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa ka dib codkaasoo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha jira aqalka shacabka, iyo cod kama dambays ah oo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha jira ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Aqalka Baarlamaanka, waxa uu cod kama dambays ah u qaadi karaa sadex bilood iyo kabadan marka ay ka soo wareegto warbixinta Guddiga wadajirka ah sida uu dhigayo faqradda (7).
Haddii baarlamaanku ansixiyo hal iyo ka badan oo waxka beddelada la soo jeediyay ah hab waafaqsan qodobkan iyo qodobka 136 ee khuseeya dibu eegista Dastuurka kama dambaynta ah, waxa loo qaadi doonaa afti dastuurka wax ka beddelka lagu sameeyey.
Qodobka 133aad.
Qodobada ku dabaqma wax ka badelka Dastuurka ku meel gaarka ah Jadwalka koowaad (C), ama sharci lagu xusay jadwalka koowaad (D) ee Dastuurkan ka hor inta aanay dhammaan xilliga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka: Guddida la socodka/kormeerka
- Qodobkan iyo Qodobka 134 ––
- (a) ‘Guddiga la-socodka’ waxaa loola jeedaa Guddiga ku meel gaarka ah ee dib-u-eegista iyo lasocodka hirgalinta Dastuurka.
- (b) ’Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta’ waxaa loola jeedaa Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah.
- Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddi Lasocod kaasi oo ah Guddi ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
(a) Aqal kasta oo Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ka tirsan waxaa uu u dooranayaa shan ka mid ah xubnihiisu in ay ka qayb noqdaan xubnaha Guddiga La-socodka. Intaa waxaa dheer, maamul kasta oo jira qaybna ka ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya kaasoo u qalma in uu noqdo maamuul ka mid ah Federaal marka la fiiriyo Dastuurka Soomaaliya waxa uu soo magacaabi doonaa hal ergay oo ka socda maamulka kaasoo xubin ka noqonaya Gudida la-socodka.
(b) Guddiga L-socodku waxay la socon doonaan, tilmaami doonnaan ansixinna doonaan hawlaha Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta, iyo, guud ahaan hirgalinta Dastuurka.
Xubnaha Guddiga la-socodku waxay dooran doonaan guddoomiyahooda iyaga oo ka dooranaya xubnaha Guddiga la-socodka.
Muddo aan ka badnayn bil markii Guddiga la-socodku ay doorteen Guddoomiyahooda, Guddiga La-socodku waxay ku samaysan doonaan cod aqlabiyad ah xeerarka ay ku shaqaynayaan.
Guddiga La-socodka/Kormeerka waxaa uu muddo ka dibba, uu Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta u xilsaarayaa qoris shuruuc qabyo ah oo ku saleysan baahiyaha Jadwallada Koowaad (A) iyo Koowaad (B) iyo wixii kale ee baahiyo ah ee loo arko lagama maarmaan iyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda ansaxinta ku-meelgaarka ah e Golaha Ansixinta Dastuurka ah ee Qaran sida uu dhigayo Borotokoolka Dhisaya Golaha Ansixinta Dastuurka Qaran.
Marka uu u xilsaarayo qoris hindise sharci qabyo ah ee lagu xusey faqradda (5), Guddiga Sixidda/ Kormeerka waxaa uu mashruuca mudnaan u kala siinayaa sida soo socota: Waxaa uu --
(a) Lafagurayaa mashruuca isaga oo ka eegaya dhibaatada bulsho ee wax ka beddelka Dastuurka ee la soo jeediyey ama Mashruuca-sharci uu wax ka qabanayo;
(b) Siinayaa mudnaan sare hindise sharci qabyo ah oo higsanaya in uu beddelo hab-dhaqan/ dabeecad.
- (i) Ammaanka qaranka, bedqabka dadweynaha, ilaalinta xuquuqaha Aadanaha ee aasaasiga ah, ama Deegaanka
- (ii) Sinnaan la’aan dhinaca tayada nolosha ah ee qaybaha kala duwan ee dadka Soomaalida ah haysata, oo ay ka mid tahay sinnaan la’aanta dakhli, u sinnaan la’aanta daryeelka caafimaadka, iyo u sinnaan la’aanta waxbarashada;
- (iii) Horumarka dhaqaale, oo ay ka mid tahay helidda shaqooyin, hubinta in qayb caddaalad ku dhisan oo ka mid ah faa’iidada ay helaan maalgeliyeyaasha ajnebiga ah dib loogu maalgeliyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo hubinta in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan aqoonta ku saabsan, ayna helaan shaqooyin la xiriira adeegsiga tiknolojiyada cusub, iyo
- (iv) In maaliyadda ummadda laga ilaaliyo musuq-maasuq iyo si xun u adeegsi.
(c) Siinayaa mudnaan tan ka yar mashaariicda ku saabsan dhibaato bulsho oo la xiriirta mas’uuliyad Wasaarad jirta marka laga reebo kuwa la xiriira dhibaatooyinka bulsho ee mudnaanta sare leh;
(d) Ilaa intii suuragal ah iyada oo sal looga dhigayo xisaabinta sax ah iyada oo la isu eegayo kharashka ku baxaya iyo faa’iidada bulshada ay ka heleyso, u qoondeeynaya mudnaan isu dhiganta mashaariicda sharci-qorista u eg in mudnaantoodu ay isku mid tahay,
(e) Ku martiqaadaya Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuuriyadda Soomaaliya in ay ka munaaqashoodaan kala mudnaan-siinta wax ka beddelka Dastuurka iyo mashaariic-shuruuc la soo jeediyey;
(f) Sanad kasta ay Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya u gudbinayaan si uu u ansaxiyo, wax uga beddelo ama u diido, Barnaamij Qorista Shuruuc markaa jira ee mudnaanta leh ee ku saabsan wax ka beddel Dastuuri oo la soo jeediyey iyo mashaariic-sharci la soo jeediyey, si waafaqsan sida Guddiga Kormeerka/Sixidda uu mashaariicda u qoondeeyo in uu qoro Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, iyo in muddo ka dib uu wax ku daro ama wax ka dhimo barnaamijkaa hadba sida xaaladda markaa jirta ay keeneyso.
Inta Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, si waafaqsan faqradda (6), uu dhammeystirayo sharci qabyo ah la weydiistey in uu qoro, sida ku xusan Qodobka 134, waxaa uu Guddiga Kormeerka/ Sixidda u soo gudbinayaa si uu dib ugu eego wax ka beddelka qabyada ah ee Dastuurka ah ama mashruuca-sharci, oo ay la socoto Warbixinta lagu xusey Qodobka 134(7)(b).
Gudida lasocodku waxa ay -
(a) Dib-u-eegis gudaha ah ku sameynayaan Sharci qabyo ah oo la xiriira wax ka bedalka Dastuurka iyo warbixinta la socota hab waafaqsan faqradda 7;
(b) In dadweynaha ku wargaliso soo jeedinta iyo warbixinta;
(c) In ay hubiso in fursad ku filan oo dadweynuhu kaga doodi karaan jirto ;
(d) In ay la tashato xubnaha dadwaynaha iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(e) Hawl gali golayaasha sharci dejinta ee Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka kuna daraan waxyaalaha ay soo gudbiyeen oo lays waafajiyey wax ka badelka la soo jeediyey, haddiii arrintu taabanayso danaha gobolka.
Haddii wada tashi ka dib sida ku xusan faqradda (8) guddiga lasocodku go’- aamiso in ay ku darto soo jeedinno kala duwan wax ka beddelka Dastuurka ama sharci qabyo ah ee la soo jeeiyay, ay ku celiyaan wax ka bedelka dastuurka la soo jeediyey ama sharci qabyo ah oo gudida dibu eegista iyo hirgalinta for redrafting, with instructions.
Haddii markaa ka dib marka la sameeyo latashiga ku xusan faqradda (8) guddida la socodku go’aamiso in ay gudbiso wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay ama sharci qabyo ah si loo ansixiyo, waxa ay u gudbin doontaa wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay guddoomiyaha aqalka shacabka, iyada oo warbixintuna la socota, si hore loogu sii socdo hab wafaqsan Dastuurkan.
Guddida la -socodku wax ay ku wargalin doontaa saddexdii biloodba mar labada aqal horumarka laga sameeyey dhamaystirka mashruuca lagu xusay jadwalka kow (C) iyo kow (D) iyo sida uu dhigayo marka la fiiriyo wixii ka soo baxay golaha Dastuurka ee qaranka sida ku dhigan xeerka lagu abuurayo golaha Dastuurka ee qaranka.
Guddiga la socodka/kormeerka waxaa muddadiisu dhammaaneysaa marka lagu ansixiyo kala dirkiisa aqlabiyad fudud (50% lagu daray 1) tirada mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,
Qodobka 134aad.
Qaybaha ku dabaqma wax ka beddelka Dastuurka ee lasoo jeediyay ka hor inta aanay dhammaan muddada koowaad ee wakhtiga Baarlamaanka Federaalka: Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta
Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddiga ee dib-u-eegista iyo Hirgalinta iyaga oo ah guddi hoos tagaya guddida la socodka hab waafaqsan qodobka 133.
Bilawga muddada xileed ee koowaad ee Aqalka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiirka u xilsaaran ayaa u soo magacaabi doona Ra’iisul Wasaaraha shan xubnood oo ka mid noqon doona Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kuwaasoo wasiirka u xilsaaran uu kasoo xulayo liis ay soo diyaariyeen Golaha Wasiirrada. Waxaa intaa dheer, Dawlad goboleedyada jira ee Xubnaha ka ah Federaalku waa in ay u soo magacaabaan mid waliba hal ergay oo kale oo dheeraad ah guddida dibu eegista iyo hirgalinta , taasoo ku salaysan isla shuruudda doorashada.
Wasiirka u xilsaaran waxaa uu dooran doonaa magacaabista qof aan xubin baarlamaan ahayn, kaasoo buuxiya shuruudaha soo socda oo lagu magacaabayo Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta:
(a) Leh anshax iyo sumcad wanaagsan;
(b) Shahaado ka sita jaamacad la aqoonsan yahay ;
(c) Ku muujiyey karti heerar sare dhinaca maamulka dadweynaha ama xagga sharciga ee Soomaliya dhexdeeda, ama
(d) In uu u leeyahay aqoon iyo khibrad ugu yaraan toban sanno arrimo la xiriira mid ka mid ah kuwa soo socda:
- (i) Sharciga,
- (ii) Maamulka dadweynaha ,
- (iii) Dhaqaalaha ,
- (iv) Jinsiga
- (v) Xuquuqda Aadanaha , iyo
(e) In uu shaqo wanaagsan ka soo qabtay shaqadiisa ama majaalka uu ku takhasusay qofka la magacaabay.
(f) In uu leeyahay waaya-aragnimo badan oo la xiiriita sharci qorista.
Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu soo hordhigi doonaa magacyada dadkii la soo magacaabay mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 15 maalmood gudahood marka Golaha Wasiirrada la abuuro, iyaga oo afar iyo toban cisho gudahood ku ansixin doona ama ku diidi doona mid ama ka badan oo ka mid ah dadka la soo magacaabay.
Haddii mid ka mid ah labada aqal diido qof la soo magacaabay, Wasiirka u xilsaaran waxaa uu si waafaqsan faqradda (3) u soo magacaabi doonaa beddelkii qofkaas, intaa ka dibna waxaa uu raaci doonaa habraaca ku dhigan faqradaha 4 ilaa 6.
Ka dib marka Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya uu doorto shan qof oo lasoo magacaabay hab waafaqsan qodob-hoosaadyadaa (4) iyo (5) , Ra’isul wasaaruhu waxaa uu u astayn doonaa mid ka mid ah dadkaas la soo magacaabay Guddoomiye, waxaanu u diri doonaa magacyadooda madaxwaynaha isagoo isna u magacaabi doona Guddoomiye qofka Ra’isul wasaaruhu uu u asteeyey, labada kalena, Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta.
Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalintu waa in ay:
(a) Sida laga yaabo in uu Guddiga La-Socodku amro, waxaa loo baahan karaa in wax laga beddelo Dastuurka sida ku qoran Jadwlka Koowaad (C), ama la soo jeediyo sharci qabyo ah sida lagu magcaabay Jadwalka (D), ama sidii kale ee hadba loo baahdo iyada oo daba socota waxa ka soo baxa Golaha Ta’siisiga ah ee Qaranka.
(b) diyaariyaan warbixin daraasadeed oo lagu lifaaqo wax ka bedelka lasoo jeediyey ama sharci qabyo ah. Warbixintaasoo, hab waafaqsan cadaymaha, sababaynaysa waxka bedelka lasoo jeediyey ama mashruuca sharci kana saadaalinaysa ixtimaalka in wax ka bedelka lasoo jeediyay ama mashruuca ay ka dhalan karto hab dhaqankii la rabay, iyo in hab dhaqankaasi uu dib u qaabayn ku sameeyo dhibaatada bulsho ee wax ka bedelka la soo jeediyey ama mashruuca sharci uu higsanayo;
(c) sameeyaan daraasadda sharci iyo ta xaqiiqo ee lama huraanka ah si ay u gudato xilalka ku xusan baragaraafyada (a) iyo (b);
(d) sameeyaan hab waafaqsan Qodobka 133 (7), u gudbi guddiga la socodka wax ka bedelka lasoo jeediyay oo dhamaystiran ama mashruuca sharci la-socda warbixininta lagu xusuy baragaraafka (b) u gudbiyaan Guddiga La-socodka;
(e) warbixin ka siiso sadexdii biloodba mar ama marka ay ka codsato Guddiga la socodka horumarka laga gaarey dib-u-eegista iyo hirgalinta lagu Dastuurkan iyo caqabad kasta oo ka hor imanaysa geeddi-socdka dib-u-eegista iyo hirgalinta.
(f) in ay Guddoomiyaha Garsoorka ee Maxkamadda Dastuurka kala shaqeeyaan dastuurinimada soo-jeedinta, ; iyo
(g) iyada oo loo fiirinayo hadba inta miisaaniyaddu le’eg tahay, in la qoro shaqaale ku filan in ay u guttaan xilkooda hab waafaqsan Dastuurkan.
Qodobka 135aad.
Xilalka iyo Muddeynta Hay’adaha mudnaanta sare leh iyo Guddiyada Madaxa Bannaan ee uu Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Aasaasayo
Haddii aan si kale loogu sheegin Dastuurkan, Baarlamaanka Federaalku ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya wuxuu magacaabayaa xubnno aan tiradoodu ka badnayn sagaal oo ay yeelan doonaan guddi walba oo Madax Bannaani.
Baarlamaanka Federaalku wuxuu asaasayaa hay’adahan iyo Guddiyadan Madaxa Bannaan ee soo socda iyadoo muddeeynta halkan ku cadna la raacayo, kuwaasoo hirgelaya marka la aasaaso Golaha Wasiirrada:
- (a) Golaha Adeegga Garsoorka - 30 maalmood
- (b) Maxkamadda Dastuurka - 60 maalmood
- (c) Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ilaaliyaha/kormeeraha (Ombudsman), Guddiga Amaanka Qaranka, Guddiga Ilaalinta/dabagalka nabadgelyada ee rayidka ah – 45 maalmood
- (d) Guddiga Adeegga Baarlamaanka - 15 maalmood
- (e) Guddiga Qaranka ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta - 60 Maalmood.
- (f) Guddiga ka Dhexeeya Dawlad Goboleedyada - 1 Sanno
- (g) Guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta - 30 Maalmood
- Si hadaba loogu sahlo Baarlamaanka Federaalka ah in uu hawlihiisaa guto, Guddiga dib-u-eegista ee Farsamo ayaa soo diyaarinaya qoraalka sharciga loogu baahan yahay in lagu abuuro guddiyadaa iyadoo la raacayo Dastuurkan, si Guddiga Kormeerka iyo Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgelintu ay u soo gabagabeeyaan uguna gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka si uu uga sii baaran dego , si aan looga dib dhicin waqtiyada kama danbeysta ah ee ku cad faqradda (2) kore.
Qodobka 136aad.
Qaadashada wax ka bedelka Dastuurka inta lagu guda jiro muddo xileedka koowaad ee Aqalka Shacab; ansixinta Dastuur kama dambays ah
inta lagu guda jiro muddo xileedka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, baarlamaanka Federaalku waxaa uu qaadan doonaa waxkabeddelka la soo jeediyay ee Dastuurka ku meel gaarka ah kaliya intii lagaga ansixiyay kadib cod kama dambays ah aqalka shacabka codkaasoo u dhigma sadex meeloodow laba meelood , iyo cod kama dambaysa ah oo ay u qaadaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, codkaasoo ugu yaraan ah sadex meeloodow laba meelood xubnaha jira.
Afti la qabtay taasoo khusaysa Dastuurka ku meel gaarka ah wax laga bedelay, oo la qabto dhammaadka mudada xilka ee koowaad ee Golaha Shacabka, codbixiyayaasha jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ku qaadan karaan Dastuurka cusub cod aqlabiyad ah oo ay ku taageeraan wejiga kama dambaysta ah ee Dastuurkan.
Qodobka 137aad.
Dhaqangelinta Dastuurka
Ka dib dhammaadka muddada koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalku waxaa uu dhisayaa Guddi dib- u-eegis ku sameeya hirgelinta iyo shagaynta Dasturka jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, marka lagu ansixiyo hab waafaqsan qodobka 136 ee ku saabsan qaadashada Dastuurka kama dambaysta ah, iyo in lala tashado dawladaha xubnaha ka ah Federaalku ka koobanyahay iyo dadweynaha wax ka beddelidda in lagu sameeyaa ay suurtogalka tahay.
Lix bilood gudahood intii la magacaabay ka dib, guddigu waxaa uu u soo gudbin doonaa warbixintiisa golaha Baarlamaanka Federaalka iyo , dowldaha Federaalka ka midka ah iyo dadwaynaha.
Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada maamulada Federaalka ka tirsan, dadwaynaha, iyo marka la qiimeeyo lalana socdo hirgalinta iyo dabaqaadda Dastuurka kama dambaysta ah iyo muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor inta aanay dhammaan mudada xilaka ee marka labaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaliyeed, guddigu, iyaga oo la tashanaaya guddoomiyaha maxkamadda Dastuuriga ah waxa ay hubin doonaan in eray iyo ujeedaba laixtiraamo Dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka Federaalka u soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, si uu wax uga beddelo Dastuurka iyadoo loo hab-raacayo qodobka 132aad ee dastuurkan
Haddii Baarlamaanku Federaalka ihi ansixiyo mid ama ka badan oo wax ka bedelka la soo jeediyay ah hab waafaqsan Qodobka 132aad, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee wax laga bedely;
Haddii aqlabiyadda kuwa u codaynaya aftida lagu xusay faqradda (4) ay u codeeyaan Dastuurka wax ka bedelka lagu sameeyey, Dastuurkaasi waxa uu noqonayaa Dastuurka jamhuuriyadda faderaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxa Labaad: Qodobbo Qubane Ah
Qodobka 138aad.
Ka Hirgelyaaa Dastuurkan
Dastuurkani waxa uu dhaqan galayaa maalinta ugu horaysa maalinta koowaad marka ay ansixiyaan Golaha qaran Ansixinta Dastuurka ah oo isugu yimi hab waafaqsan khariidada nabadda, heshiisyadii Garawe I iyo Garowe II, Galkacayo, Addis Ababa, wareegtadii madaxwayanaha iyo kuwa kale ee khuseeya.
Dhaqangalka qodobada la xiriira Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka meelaha lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo sameynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinaayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay sameynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Golaha Shacabka ayaa qabanayo dhammaan waajibaadka iyo hawlaha Dastuurkan siiyay Aqalka Sare wuxuuna u shaqeynayaa sida Baarlamaanka ka kooban Hal Aqal, si daacadnimo ku jirtana maanka ugu haynayaa Maabaadi’da Aasaasiga ee awood qaybsiga ee Nidaamka Federaalka lagu qeexay Qodobka 3 (3) ee Dastuurkan iyo danaha gobolada Soomaaliyeed marka la gaarayo go’aanada.
Qodobka 139aad.
Sharciyadda oo Weli Socda
Dhammaan xeerarka dhaqan galka ah ka hor inta aanu hirgalin waxa ay ahaanayaan qaar sii shaqeeya waxaana laga dhadhansan doonaa laguna dabaqi doonaa waxka beddeladaas, qaadashadaas, in la cayimo iyo in wax laga soo reebo hadba sida looga maarmi waayo si loo waafajiyo Dastuurkan ilaa goorta xeerarkaas wax ka beddel lagu samaynayo ama meesha laga saarayo.
Qodobka 140aad.
Waajibaadka Caalamiga Ah
Inta heshiiska wax waajibinaya ee jirey taariikhda uu Dastuurkan dhaqan gelayo uu waqtigiisu dhacayo ama wax laga beddelayo, waajibka heshiiskaa ka dhashey sidiisa ayuu u jirayaa.
Qodobka 141aad.
Aftiyaha
Haddii ay noqoto in la qaado afti uu amray Dastuurkan ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, cidda hirgalinaysa aftidu waa in ay hubisaa in aftida lagu hubiyo in dhammaan dadka codbixin karaya ay fursad u helaan ay ku muujiyaan aragtidooda si xor ah, toos ah, qarsoodina ah si waafaqsan sharci Baarlamaanku ansixin doono kaasoo sugaya hab raaca aftida.
Cidda hirgalinaysa aftidu waxay hubin doontaa in –
- (a) Aftidu waa in ay u waydiisaa su’aasha si cad, hab loogu talagalay in lagu helo aragtida dhabta ah ee codbixiyaha iyada oo aanay daah saarayn arimaha ay tahay in cod bixiyuhu kala doorto; iyo
- (b) Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraaca aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha.
Qodobka 142aad.
Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee Ka jira Soomaaliya
Ilaa inta laga gaarayo goorta dhammaan o Dastuurada dawladaha xubnaha ka ah federaalka la waafajinyo Dastuurka Dawladda federaalk maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkan ku meel gaarka ahi waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.
Dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalku waa in lala tashadaa marka la qaadanayo go aanno la xiriira nidaamka fedeaalka, iyo qaabka nabadgalyada.
Qodobka 143aad.
Ka Noqoshada Axdiga Federaalka
Axdiga Federaalka ee ku meel gaarka ahi waxa ay mudadiisu dhammaanaysaa marka lakala diro Golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka.
JADWALKA KOOWAAD (A) - CALANKA SOOMAALIYA
JADWALKA KOOWAAD (B) - ASTAANTA JAMHUURIYADDA
JADWALKA KOOWAAD (C) - KALA GUURKA: WAX KA BEDELKA DASTUURKA EE SOOJEEDIYAY EE XILLIGA KOWAAD EE BAARLAMAAMKA FEDERAALKA.
Sida waafaqsan qodobbada 133 iyo 134aad, Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya waxa uu soo jeedinayaa dhaqan-gelinayaana wax ka beddel ku aaddan Dastuurka ku meel-gaarka, hab waafaqsan heshiiskii ay ka wada-xaajoodeen Dowlladda Fedderaalka ah iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee jira iyo kuwa cusub, oo, balse aanan ku koobnayn , qodobbadan soo socda:-
- Ku aaddan qodobka 22aad, oo qeexaya qaababka ka wada qayb-galka siyaasadda.
- Ku aaddan qodobka 32aad, oo khusaysa xaq u lahaanshaha war-helidda.
- Ku aaddan qodobka 39aad, oo dejinaya hanaanka xal-u-helidda xad-gudubyada xuquuqda Aadanaha.
- Ku aaddan qodobka 41aad, asaasidda Guddiga Xuquuqda Aadanaha.
- Ku aaddan qodobka 43aad, oo khuseeya waxa uu noqonayo dhulka Federaalka.
- Ku aaddan qodobka 47aad oo ku saabsan xisbiyada siyaasadda iyo qaababka doorashooyinka.
- Ku aaddan qodobbada 110aad iyo 113aad, oo dejinaya waajibaadka, xilalka, tirada iyo hanaanka Guddiyada Madaxa-bannaan.
- Ku aaddan qodobka 111 J)aa oo ku saabsan xafiiska adeegaha gardoonka dadwaynaha (ombudsman)
- Ku aaddan qodobka 130, xaaraantimeynta maleeshiyaadka khaaska ah.
- Ku aaddan qodobka 130, sharciyeynta shirkadaha ilaaladda khaaska ah.
- Xeer waafaqsan qodobka 131, oo ku saabsan Xaaladda Deg degga ah.
JADWALKA 1(D): SHURUUCDA MUDNAANTA KOOWAAD LEH IN LA SAMEEYO XILLIGA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA FEDDERAALKA AH
Guddiga qoraya waxa uu tixgelin gaar ah siinayaa qoritaanka mashaariic khuseeya shuruuc cusub, hab waafaqsanna heshiiskii ay ka wada xaajoodeen Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ah iyo maamuladda horay u jiray iyo kuwa cusub, oo ay ku jiraan, balse aanan ku koobnayn kuwan soo socda:
Xeer waafaqsan qodobka 8aad, oo dejinaya sida qofku uu u heli karo una waayi karo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Xeer waafaqsan qodobka 9aad, oo dejinaya maqaamka magaala-madaxda.
Xeer waafaqsan qodobka 30aad, oo ku saabsan samaynta dugsiyada khaaska ah, mac-hadyada iyo jaamacadaha.
Xeer waafaqsan qodobka 34aad, oo khuseeya xaqa ay eedeysanayaasha u leeyihiin in ay helaan caawinaad sharci oo lacag la’aan ah marka lagu soo oogo fal-dembiyeed.
Xeer waafaqsan qodobka 36aad, oo khuseeya dib u celinta eedeysanayaasha iyo dembiileyaasha.
Xeer waafaqsan qodobka 37, oo ku saabsan qaxootiga iyo magangelyo-doonka.
Xeer waafaqsan qodobka 39aad, oo dejinaya qaab-dhaqanka xal u helidda ku xad-gudubka xuquuqda Aadanaha.
Xeer waafaqsan qodobka 45, oo khuseeya qubitaanka qashinka.
Xeer waafaqsan qodobbada 49 oo khuseeyo tirada iyo xudduudaha Dawlad goboleedyada iyo xallinta khilaafaadka xudduudaha.
Xeer waafaqsan qodobka 51 aad, oo dejinaya shuruucda khuseeya xiriirka wada-shaqaynta heerarka kala duwan ee Dawladda.
Xeer waafaqsan qodobka 68aad, oo dejinaya shuruucda hab-dhaqanka Golaha Shacabka.
Xeer waafaqsan qodobka 70aad, oo qeexaya xasaannadda Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Federaalka ah.
Xeer waafaqsan qodobka 75, dejinaya shuruuc qaab-dhaqan oo ku aaddan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Dawladda goboleedyada.
Xeer waafaqsan qodobka123, asaasidda Banki Dhexe ee Jamhuuriyadda Fedderaalka ah.
Xeer waafaqsan qodobka 130, oo khuseeya ciidamada amniga.
Xeer waafaqsan qodobka 130 asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaallanka argagixisada, bucadbadeedda, tahriibinta dadka iyo dembiyada kale ee abaabulan.
Xeer waafaqsan qodobka 130 nidaaminta dhismaha iyo shaqooyinka booliska Federaaliga ah.
Xeer waafaqsan qodobka 130 nidaaminta xiriirrada ka dhexxeeya adeegyada booliska Federaalka iyo kuwa Dawlad goboleedyada.
Xeer waafaqsan qodobka 130 oo qeexaya arrinta u hogaansamidda amarrada sharci-darrada ah.
Xeer waafaqsan qodobka 130 oo khuseeya asaasidda iyo shaqaynta guddiga Baarlamaanka ee khaaska ku ah arrimaha ciidamada qalabka sida.
Xeer waafaqsan qodobka 130 oo khuseeya doorka dadweynaha ee dabagal ku samaynta adeegyada booliska Federaalka.
Xeer waafaqsan qodobka 141, oo khuseeya u codeynta arrin khaas ah ee dadweynaha.